U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Loogu Baaqay In Wada Hadal La Galaan Ahlu-sunnada Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah salaadiinta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda goballada dhexe ayaa ugu Baaqay Maamulka Galmudug in ay wada hadalo la galaan Ahlusunna Waljameeca ee ku sugan degmada Dhuusamareeb.

Suldaan Cabdicasiis Cumar Daad (Beyle) oo ka mid ah Salaadiinta Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug in ay wada hadal la galaan Ahlu-sunna Waljameeca oo si weyn uga soo horjeeda Maamulkaasi.

Suldaan Beyle oo wareysi siiyey Goobjoog News, waxaa uu carabka ku adkeeyey sida ay lagama maar maanka u tahay soo afjarida khilaafkaasi oo ragaadiyey Maamulka Galmudug, waxaana uu ku cel celiyey baahida loo qabo kusoo biiritaanka maamulkaasi ee Ahlu sunna.

Maamulka Galmudug ayuu sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyey uu ku talaabsadey waxqabada dhab ah, waxaana sidoo kale uu amaan u soo jeediyey Dadka degan Magaalada Cadaado oo uu ku tilmaamay muraayad martigelin u sameysay Maamul Goboleedka Galmadug.

Maamulka Galmudug State ayaa dhowr jeer ku celceliyay inuu diyaar u yahay wada hadal uu la galo maamulka Ahlu-sunna ee ku sugan degmada Dhuusamareeb ee Galgaduud.

Goobjoog News