U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Qorsheyaal Horumarin Ah Ka Wada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Gaalkacyo ee Galmdug ayaa wada qorsheyaal cusub oo lagu horumarinayo degmadaasi, gaar ahaan dhanka uu ka arrimiyo maamulka Galmudug.

Xirsi Yuusuf Barre oo ah duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka warbixiyey halka ay u marayaan qorsheyaasha lagu horumarinayo Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay inay sameynayaan Gaalkacyada cusub, islamarkaana ka billaaban doonta waddooyin dhawaan ay ka sameeyeen magaaladaasi iyo wixii ka dambeeya waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Gaalkacyada cusub ee aynu sameynayo waxay ka billaabaneysaa wadadii aan sameynnay wixii ka shisheeya, waa qaabka hadda aan kuu sheegay oo dadka dhulka iska goos goostay la maamulo, in dhulka la maamulo, qofka wax helo bilicdii magaalana ay muuqato ayaa muhiim ah oo Injineero waddooyin u bixiyaan sidaasna waaye sida ay Gaalkacyada cusub ku sameysmayso” ayuu yiri Xirsi

Duqa Gaalkacyo ayaa dhinaca kale ka deyriyey xaaladda dadka Barakacayaasha ah ee ku nool magaaladaasi, wuxuuna ku ammaanay shacabka magaaladaasi sida ay u garab taagan yihiin maamulkooda Galmudug.

“Barakacayaasha iyo Kaamamka mar baan kormeer kusoo sameeyay, dadka aad buu u dayacan yahay, qoraxda, roobka iyo dhaxanta waa ay u dayacan yihiin, waxaa la ii sheegay 7 sano qiyaastii aan la siin wax hoy ah, waxaan soo aragnay dad ay ku dul baaba’een shiraacyadii loo sameeyay oo meel dhaxan ah fadhiyey, waxaas oo dhan hay’adaha waan kala hadalnay”

Maamulka Magaalada Gaalkacyo ee Galamudug ayaa maalmhan dambe waday dadaallo badan oo lagu horumarinayo magaaladaasi.

Goobjoog News