U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Sheegay In La Maxkamadeynayo Maxaabiis Ay Ka Qabteen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay maxkamadeyn doonaan dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo dhawaan ay ku qabteen dagaallo ka dhacay gobolka Mudug, marka laga reebo kuwa aan qaangaarin.

Cabdullaahi Axmed Calasow Shiine oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Galmudug ayaa u sheegay Goobjoog News in hadda ay maxaabiista baaritaanno dheeraad ah ku hayaan, islamarkaana dhawaan la maxkamadeyn doono.

“Qof walbo sharciga ayaa ka weyn, waxaa ku socota baaritaanno ciddii ay ku cadaato in shabaab-nimadeedii sax ahayd maxkamadda Milatariga ayaa la saaraa, maamulka ayaa waajibkiisa marsiinayo, maadaama Seddax Ajaaniib ah ay ku jirto oo baaritaan caalami ah loo baahan yahay waxaa laga yaabaa in dowladda Federaalka loo gudbiyo, laakiin wixii Soomaali ah ee aan qabanay halkaan ayaa lagu maxkamadeynayaa” ayuu yiri Wasiiru dowlaha.

Dhinaca kale wasiiru dowlaha ayaa sheegay in bishaan gudaheeda la filayo in Galmudug ay dhisto Xabsi weyn oo lagu hayo dadka la xukumo, balse hadda waxa uu cadeeyay in aysan hayn xabsiyo balse ay hayaan saldhigyo waaweyn.

Ugu dambeyn Cabdullaahi Axmed ayaa mar uu ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab ee ka socda deegaanno ka mid ah gobollada Mudug iyo Galgaduud ayuu sheegay in maalmaha soo aadan ay ciidamada u dhaqaaqi doonaan deegaanno gobolladaasi kaga sugan yihiin Al-shabaab.

Goobjoog News