U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Sheegay In La Yareen Doono Isticmaalka Dhuxusha

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda Bay’ada Dhirta iyo Daaqa maamulka Galmudug Maxamed Xuseen Maxamed oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in dadaal badan ay ugu jiraan sidii loo badbaadin lahaa dhirta nool.

Waxa uu sheegay inay dejiyeen qorshe arrintaasi ku aadan islamarkaana socon doono 5-ta sano ee soo socota.

“Shaqada ugu horreysa ee aan qaban doonno waa inaan wacyigelin sameynno oo aan isku keenno dadka waxaan ku shaqada leh, sidoo kale aan dhir beeris ku sameynno meelaha sida aadka ah dhirta looga jaray” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Maxamed ayaa dhinaca kale sheegay in lagu dadaali doono in la yareeyo isticmaalka dhuxusha oo ah meesha ugu daran ee keenta in dhirta la jaro.

Marka la dhaqan geliyo hindise sharciyeedka looga hortagayo jarista dhirta iyo soo saarista dhuxusha ayuu sheegay in kaalin weyn ka qaadan doono in meesha ka baxdo dhirta la jaro kadibna dhuxusha laga dhigo.

“Hindise sharciyeedkan haddii uu meel maro wax badan baa hagaagi doono, ganaax adag baa ka imaan doona, xitaa gaariga soo qaada ayaa la ganaaxi doonaa”

Deegaanno badan oo dalka ah ayaa dhirta aad looga jaraa si dhuxul looga shido, waxayna taasi soo dedejisay abaar aan lagu tashan.

Goobjoog News