U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Sheegay In Wada Hadal Hoose Ay Kula Jiraan Madax Ka Tirsan Ahlu-sunna

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in wada hadal hoose ay kula jiraan mas’uuliyiin ka mid ah maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee ku sugan degmada Dhuusamareeb, gobalka Galgaduud.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Cismaan Maxamed Cali oo u waramay Barnaamijka Maxaa Lagu Heshiiyay ee Goobjoog News ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo wada hadal ay kula jiraan Ahlu-sunna oo aragti ahaan diiddan maamulkooda.

Waxa uu tilmaamay in dadaal badan ay ku bixiyeen sidii maamulka Galmudug uu ula hadli lahaa cid walba oo wax ka tabaneysa, islamarkaana haatan diyaar u yihiin inay sii dardar geliyaan qancinta Ahlu-sunna iyo in miiska wada hadalka si toos ah la’isugu yimaado.

“Waxaa jira wada hadallo toos ah iyo mid dadban oo aynu kula jirno Ahlu-sunna, waxaa jira wada hadal aan kula jirno madax iyaga ka mid ah waana wax socda arrinkaasi, Ahlu-sunna wey ballaaran tahay heshiiska ma ahan mid shaacsan waa mid hoose waana lasoo bandhigayaa marka uu dhamaado” ayuu yiri wasiirka.

Galmudug waxay horay ula heshiisay garab ka mid ah Ahlu-sunna Waljameeca iyadoo ay dhiman yihiin garab kale oo ku sugan degmada Dhuusamareeb.

Goobjoog News