U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Sheegay In Wax Badan Ka Qabteen Amniga Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in wax badan ay ka qabteen amniga guud ee magaalada Gaalkacyo, kadib howlgallo ay ka sameeyeen ciidamada ammaanka ee magaaladaasi.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Galmudug, C/weli Jaamac Barre oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in maalmihii uu madaxweyne Xaaf ku sugnaa Gaalkacyo ka shaqeeyey arrimo badan.

Wuxuu tilmaamay agaasimaha in ciidamada ammaanka Galmudug io sidoo kale kuwa isku dhafka ah ay ka shaqeeyeen sidii shacabka Gaalkacyo nabad ugu seexan lahaayeen.

“Wax badan ayaa u qabsoomay madaxweynaha, sidaad ogtahay xukuumadda Xaaf waxaa ka go’an wax ka qabashada ammaanka, iyadoo madaxweynaha uu ku guuleystay in Gaalkacyo uu xasiliyo” ayuu yiri C/weli.

Magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe amni ahaan soo hagaageysay, in kastoo mararka qaar magaalada ay ka dhacayeen falal amniga liddi ku ah.

Goobjoog News