U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Sheegay Iney Diyaar u Yihiin Heshiis Ay La Galaan Ahlu-sunna

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug State ayaa sheegay in mar walbo ay diyaar u yihiin in wada hadal iyo heshiisba ay lagalaan maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee degmada Dhuusamareeb ka arrimiya.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulkaasi Cismaan Maxamed Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay mar walbo dadaal ku bixiyaan sidii ay nabad ugu soo dabaali lahaayeen deegaannada Mudug iyo Galgaduud.

Wasiirka ayaa qiray in ay sameeyeen dadaallo badan oo ku aadan in ay Ahlu-sunna ku qanciyaan wada hadal, lana hadleen madaxdooda ugu sarreysa welina ay sii wadi doonaan dadaallo kale oo badan.

“Annaga cid walbo oo aan xabad wax ku raadineyn diyaar baan u nahay inaan la hadalno, inaan wax walbo ku dhameyno waan waan iyo wada hadal dhanka Ahlu-sunna ah anaga oo Galmudud ah baa diyaar u ah, hadda ma jiraan wada hadallo bannaanka yaalla laakiinse si hoose baan madaxdooda ula hadalnay waana sii wadeynaa dadaalkeena” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale Wasiir Cismaan ayaa waxba kama jiraan ku sheegay eedeyn Ahlu-sunna u jeedisay maamulkooda kaasi oo ah inay Galmudug ka qeyb qaadatay dagaalkii maalin kahor ka dhacay degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud.

Goobjoog News