U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Xirfado Shaqo u Sameynaya Dadka Ku Howlan Jarista Dhirta

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in shaqo abuur kale ay u sameyn doonaan dadka ku howlan jarista dhirta, sidoo kalena u sameyn doonaan dadkaasi wacyigelin aad u ballaaran.

Maxamed Xuseen Maxamuud oo ah wasiirka dhirta iyo Bii’ada ee maamulka Galmudug oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in ay badbaadin doonaan dhirta la jaro, islamarkaana dhallinyarada loo sameyn doono xirfado shaqo.

“Dhallinyarada ku howlan jarista dhirta waxaa loo sameyn doonaa wacyigelin ballaaran, waxaa loo sameyn doonaa shaqo abuur, sida in qaarkood doonyo la siiyo la baro kalluumeysiga, in beeraha sida loo xanaaneeyo la baro, kadibna mushaar lagu siiyo, marwalabana waxaa daba joogi doonta wacyigelin” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale Wasiir Maxamed Xuseen ayaa sheegay in ay jiri doonaan sharciyo adag oo laga soo saari doono jarista dhirta, islamarkaana dhawaan ay soo saari doonaan xeer hadda qabyo ah oo arrintaasi ku saabsan.

Dad badan oo ku sugan deegaanno ka tirsan Galmudug ayaa ku howlan jarista dhirta kuwaasi oo guba kadibna dhuxul ka dhiga.

Goobjoog News