U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug “Qofkii Dila Qof Sharciga Ayaa La Horkeenayaa”

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa digniin ka bixiya dadka isku dila aanooyinka qabiil iyo sidoo kale arimaha la xiriira dhulalka, waxaana maamulka uu sheegay in qofkii dila qof kale sharciga la horkeeni doono.

Maxamed Xaashi Cabdi oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aanu maamulkooda u dulqaadan doonin dadka sida micna darada ah loo dilo, taasina ay go’aan ka qaateen.

Waxa uu sheegay madaxweyne ku xigeenka in shaqsigii dil geysta lasoo qabanayo, islamarkaana sharciga waxa uu qabo la marsiin doono.

“Anaga ka dowlad ahaan waxaan isku dayeeynaa qofkii qof dila inaan gacan bir ah ku qabanno, shareecada Islaamka waxa ay qabtana la marsiiyo, walibana ku qancino dadka uu ka dhasahay” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka.

Deegaanno badan oo ka mid ah gobalada Mudug iyo Galgaduud waxaa ka dhaca dagaallo markoodi hore ku billawday lahaanshiyaha dhulal iyo ceel biyood.

Goobjoog News