U bood dhigaalka

Maamulka Garasbaaley Oo Eedeeyay Maamulka Degmada Dayniile

Sheeko:Dalka

asMaamulka degaanka Garasbaaleey ayaa kan degmada Deyniile ku eedeeyay inuu farogalin dhuleed ku hayo  deegaankooda.

Guddoomiye ku xigeenka degaanka Garasbaaleey Cabdullaahi Cabdi Maxamuud oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in guddoomiyaha degmada Deyniile uu ku soo duulay degaankooda.

Waxaa uu sheegay in dhul kamid ah Garasbaaleey uu doonayo inuu raaciyo degmada Deyniile, arrintaasna uu ka dhashay khilaaf soo kala dhex galay labada dhinac.

Waxaa uu tilmaamay in ay arrintani ku wargalinayaan maamulka gobolka si wax lagaga qabto.

“Garasbaaley dhulkeeda wuu cad yahay halka uu ku egyahay, balse maamulka degmada Dayniile ayaa hadda wuxuu doonayaa inuu sheegto dhulkeenna qeyb kamid ah, maamulka gobolka Banaadirna waan ku wargelinney arrintan” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Garasbaaley.

Dhanka kale Goobjoog News ayaa xiriir la sameysay maamulka degmada Dayniile si wax looga weydiiyo arrintan hase ahaatee ma aanay suurtagelin.

Goobjoog News