U bood dhigaalka

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb oo Digniin u Diray Diyaaradaha aan Ku Soo Wargelin imaatinkooda

Sheeko:Dalka

Cabdulaahi Xasan Nuur oo ah maareeyaha garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu digniin u diray diyaaradaha iska yimaada caasimadda Galmudug ee aan imaatinkooda ku soo wargelin maamulka Garoonka.

Sidoo kale maareeyaha ayaa xusay inay tallaabo ka qaadi doonaan diyaaradahaasi oo uu sheegay inay dhowr jeer dhacday in diyaarad aan iyaga ku soo wargelin imaatinkooda inay soo caga dhigteen garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb.

Waxa uu tilmaamay in haatan aysan jirin diyaarada soo qaada rakaab basle digniinta ayuu si gaara ugu jeediyay diyaaradaha ay leeyihiin hey’adaha qaramada midoobay ee halkaasi mararka qaar ka dega.

Dhanka kale waxa baaq u diray mareeyaha madaxda maamulka Galmudug oo uu ka dalbaday inay wax ka qabtaan dhismaha garoonka oo uu sheegay inuusan u dhisnayn si la mid ah caasimadaha dalka ay garoomadoodu yihiin.

Halkan ka dhageyso codka mareeyaha garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

Goobjoog News