U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Bakool Oo Guul Ka Sheegtay Dagaal Ay La Galeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobalka Bakool ayaa guul ka sheegtay dagaal ay ciidamada dowladda la galeen Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay duleedka degmada Xudur ee gobalkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda iyo amniga ee maamulka Bakool oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid lama filaan ku billawday, islamarkaana weerarka ay soo qaadeen ciidamada Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in rag badan ay ka dileen Al-shabaab, sidoo kale ay ka qabsadeen hub waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxay moodayeen in meeshaasi ay dabacsanaan ka jirto, wey nasoo weerareen, laakiinse cashir aysan iloobin ayaan u dhignay Al-shabaab, rag badan baan ka dilnay, sidoo kale hub baan ka qabsannay, nimanka wey iska tabar yaryihiin, ilaa hadda waan sii erinay, waxaan dilnay 20 qof, dhaawac ayaa dhankeena soo gaaray waana 20” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Al-shabaab dhankooda kama aanay hadalk dagaalkaasi, hase ahaatee dagaallo sidaan oo kale ah ayaa ka dhaca gobalka Bakool oo meello ka mid ah maamulaan Al-shabaab.

Goobjoog News