U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Bakool Oo Saluugsan Saami Qeybsiga Xildhibaanada Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Bakool ayaa madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxa ay ku dhaliileen in uusan dhex dhexaad ka ahayn, hanaanka loo qeybsanayo xildhibaanada maamulkaasi.

Maxamed Xasan Maxamuud oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gobalka Bakool, ayaa isaga oo wareysi siiyay Goobjoog News, waxa uu sheegay in Shariif Xasan uu si gaar ah ula saftay qaar ka mid ah beelaha deggan gobalada Koonfur Galbeed, halka kuwo kalena uu ka eexday, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka in ay jiraan beello badna oo deggan gobaladaasi oo la qadiyay, halka kuwo kalena loo sadburiyay.

“Sad bursi ayaa socda, waxaad la socota, madaxweyne Shariif Xasan ayaana raali ka ah howshaan socota, sidaa darteed waxaan cadeynayaa, hadii aan la joojin sida hadda loo qeybsanayo xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, in annaga aan barri ka noqonayno sida hadda wax loo wado” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Dhawaan ayaa la filayaa in lasoo bandhiggo xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo ay jiraan beello badan oo dhaliilsan hanaanka xildhibaanada loo qeybsanayo.

Goobjoog News