U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Banaadir Oo Hakiyay Dacwadaha La Xiriira Dhulalka

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka banaadir ayaa sheegay in si KMG ah loo hakiyay arrimaha la xiriira is qabqabsiga dhulalka, taasi oo mudooyinkii ugu dambeeyay kusoo badaneysay magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magalada Muqdisho Sheeq Yuusuf Jimcaale ayaa sheegay in si KMG ah loo hakiyay arrimaha dhulalka, dibna loo sheegi doono waqtiga la billaabayo qaadista dacwadaha ee arrimahaasi ku aadan.

“Waxaan idin ku wargelinayaa inaan joojinnay arrimaha dhulalka, si KMG ah ayaan u joojinay, qof dhul ka shaqeynaya, ama dhul jiidjiidaya hadii aad aragtiin waad soo sheegi kartiin” ayuu yiri Gudoomiyaha

Dhinaca kale gudoomiyaha gobalka Banaadir ayaa ugu baaqay dhammaan shaqaalaha gobalka Banaadir inay kasoo baxaan waajibaadkooda si ay u fududaadaan howlaha horyaalla maamulka gobalka.

Waxa uu tilmaamay gudoomiyahay in shaqaalaha ay heli doonaan xuquuqda ay leeyihiin, laakiin iyagana laga doonayo in si hufan ay uga soo baxaan waajibka saaran.

Gudoomiyaha ayaa hadalkaan waxa uu ka sheegay kulan maanta Sabti ah uu xarunta gobalka Banaadir kula qaatay shaqaalaha dowladda hoose ee Xamar.

Goobjoog News