U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Hiiraan Oo Ka Digay Dhibaatooyin Kale Oo Ka Dhasha Dagaallada Deefoow (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

BweyneMaamulka Gobalka Hiiraan ayaa ka digay in dhibaatooyin hor leh ay ka dhashaan dagaalada ka socda deegaanka Deefoow ee gobalka Hiiraan, kaa oo u dhaxeeya Laba Bee loo halkaasi wada degta.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee maamulka Gobalka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay aad uga walaacsan yihiin dagaaladaan in cawaaqib xumo ay ka dhalato, waxaana uu ku baaqay in dagaalka shuruud la’aan lagu joojiyo.

Beelaha dagaalamaya ayuu ugu baaqay in nabadda ay qaataan oo wixii ay kala tabanayaan ku dhameeyaan miiska wada hadalka hadalka.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in hadii dagaaladaan ay sii socdaan ay dhibaato ku tahay guud ahaan shacabka ku dhaqan gobalka Hiiraan, islamarkaana ay noqoneyso mid meesha ka saarta xasiloonidii gobalka.

Sheekh Xuseen ayaa ugu dambeyn sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin sidii ay ku xalin lahaayeen xiisadaan dagaal kaalinna ka qaadan doonaan daminta dagaallada.

Deegaanka Deefoow oo qiyaastii 35 Km dhanka waqooyi kaga began magaalada Baladweyne, waxaa ka jira dagaal beeleed u dhaxeeya Laba bee loo dhul isku haysta.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News