U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Hiiraan oo ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadkii ka baracay Baladweyne (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa ku baaqay in gurmad lala gaaro dadkii dhawan ka barakacay Fatahaadii Wabiga Shabelle uu ka sameeyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Xogyaha maamulka gobalka Hiiraan Salaad Xasan Cabdi oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in ay jiraan dhibaatooyin ay dadkaasi qabaan, sidoo kalena cudurada Shuban Biyoodka iyo Duumada halkaasi ay ka jirto.

Waxa uu ugu baaqay Hay’adaha Samafalka ah iyo dowladda Federaalka Soomaaliya in dadkaan oo hadda ku sugan deegaanka Ceel-jaalle lala gaaro gurmad, maama aanay haysan cunto Daawo iyo Biyo.

Dadkaan ka barakacay magaalada Baladweyne ayaa tiro ahaan waxaa lagu sheegay 10-kun oo qoys, mana jiro ilaa hadda wax gurmad ah oo ay heleen.

Dhibaatada ugu badan ayaa la sheegayaa in xilligaan ay aad ugu nugul yihiin Caruurta iyo Haweynka, waxaana jira dad kale oo halkaasi xanuuno kala duwan ka qaaday.

Halkaan hoose ka dhageyso Warbixin uu soo diray Wariyaheena Khaalid Ilka Case.

Goobjoog News