U bood dhigaalka

Maamulka gobalka Hiiraan oo sheegay in ay wadaan qorshe gogol nabadeed loogu fidinayo beelihii ku dagaalamay Deefow (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaal ay ku doonayaan sidii gogol Nabadeed loogu fidin lahaa beelihii dhawaan ku dagaalamay Degaanka Deefow ee Gobolkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasada iyo Ammaanka Gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahin ayaa ku dhiira galiyay labada dhinac ka shaqaynta Nabadgaliyada Degaanka.

Qorshayaashan ayuu tilmaamay Gudoomiye ku xigeenka Maamulkaasi in uu horkacayo Maamulka Gobolka oo gacan ka helaya waxgaradka Magaalada Beledwayne.

Dhanka kale waxa uu sheegay in shacabka Gobalka iyaguna laga doonayo sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen in la heshiisiiyo beelihii dhawaan dagaalamay.

Dagaal beeleed u dhaxeeyay beelo walaalo ah ayaa ka dhacay deegaanka Deefoow ee gobalka Hiiraan, waxaana dagaalkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Halkaan Hoose ka dhageyso wareysiga Gudoomiye ku xigeenka.

Goobjoog News