U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Hiiraan Oo Sheegay In Saameyn Ay Ka Dhalatay Biyo Yaraanta Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa ka hadlay biyo yareynta wabiga Shabelle, isaga oo sheegay in dhibaato badan ay la kulmeen shacabka ku dhaqan gobolkaasi.

Dabageed oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in ay maqleen oo kaliya warar aan la hubin oo ah in Itoobiya ay sameysay biyo xireenno, balse waxa uu tilmaamay hadii ay taasi jirto in looga baahan yahay dowladda Federaalka inay arrinkaasi wax ka qabato.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayuu sheegay inay kala hadleen arrinta ku aadan biyo la’aanta Wabiga Shabellah iyo tuhunka jira.

“Waan maqalnay in Itoobiya biyo xireen badan sameysatay oo biyahii wabiga yareeyay laakiinse annaga wax faah faahin ah oo aan ka bixin karno ma jiraan, xuduudaha dowladda dhexe ayaa ka hadli karto, gobolka hadii aanu iska diriqsaneyn kama hadli karo, dowlad deris nala ahna inaan la hadlo la iima wakiilan, sharciga dowladaana ogoleyn inaan dowlad kale la hadlo anniga oo gudoomiye gobol ah, Ra’iisul wasaaraha waan kala hadalnay dhibaatada ka jirta wabiga iyo tuhunnada dadku qabaan” ayuu yiri Gudoomiye Dabageed.

Biyo la’aanta wabiga Shabelle ayaa saameyn weyn ku yeelatay shacab badan oo ku dhaqan qaar ka mid ah Gobollada dalka Soomaaliya.

Goobjoog News