U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Jubada Hoose Oo Sheegay In Dhawaan Gobalkaasi Ka Bilaabanayaan Mashaariic Hormarineed (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

KismaayoMaamulka gobalka Jubada Hoose ayaa sheegay in dhawaan gobalkaasi ay ka bilaaban doonaan mashaariic hormarineed iyo sidoo kale dib u dhis lagu sameeyo meelo badan oo ka mid ah gobalkaasi.

Cabdirashiid Gooni oo ah gudoomiyaha magaaladaasi oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo ka dib safar uu uga soo laabtay qaar ka mid ah wadamada Yurub ayaa sheegay in safarkiisa oo qaatay Laba Bil guul kusoo dhamaaday.

Waxa uu gudoomiyaha tilmaamay in uu tagay wadamo badan oo ay ka mid yihiin Netherland, Sweden, iyo Denmark halkaasi oo madax badan uu kula soo kulmay.

Mashaariicda dhawaan laga fulin doono gobalka Jubada Hoose ayuu sheegay in ay ka mid tahay in gobalka Guud ahaan lala mataaneysiiyo mid ka mid ah gobalada dalalka uu soo maray, habeynta warshadii Hilibka iyo arimo kale.

“Dhalinyarada Jubada Hoose shaqooyin ayaa u bilaaban doona, waxaan soo helnay mashaariic badan mudadii Labada Bil ee aan safarka ku maqnaa, waxaa la howlgelinayaa warshadii Hilibka shaqoon kalena wey soo socdaan” ayuu yiri gudoomiyaha gobalka Jubada Hoose

Cabdirashiid Gooni ayaa safar ku maqnaa muddo Laba Bil, waxaana halkaasi uu kula soo kulmay madax badan oo maamulo gobal ah.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News