U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe Oo Nabadeen Ka Dhex Bilaabay Dhinacyadii Ku Dagaalamay Xawaadley (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

dagaal kululMaamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe oo ku baxay dagaal dhawaan ka dhacay deegaanka Xawaadleey oo ku dhaw degmada Balcad, ayaa rajo ka muujiyay in la xaliyo dagaaladaasi, iyo sidoo kale waxyaabihii ay ku bilawdeen.

Axmed Mayre Makaraan (Axmed Faal) oo ah gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda iyo Amniga ee maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe oo hogaaminaya wafdi xal raadin ah oo dhawaan loo diray halkaasi, ayaa sheegay in rajada hadda ay tahay mid wanaagsan, islamarkaana dhawaan la xalinayo.

Isaga oo ku sugan degmada Balcad ee Shabeelaha Dhexe ayuu u sheegay Goobjoog Fm, in kulamo ay la qaateen dhamaan dhinacyadii dhibka kala tabanaayay, ayna sameeyeen gudi Labada dhinac ah oo xalka wax ka gaara.

“Si fiican ayaan ugu hamineynaa in arintaan la xaliyo hadii aynu nahay maamulka gobalka, waxaana sameynay guddi Odayaal ah, waana mida keentay in anaga oo maamulkii ah in halkii lagu dagaalamay iyo degmada Balcad aadno, nabadana waa muhiim in aynu ka qeyb qaadanno” ayuu yiri Axmed Faal.

Dhawaan waxaa deegaanka Xawaadley ee gobalka Shabeelaha Dhexe ka dhacay dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed iyo sidoo kale ciidamo ka mid ah dowladda Federaalka, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhaimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga

Goobjoog News.