U bood dhigaalka

Maamulka gobalka Shabeelaha Hoose oo sheegay in xirfad cusub ay la yimaadeen Maleeshiyaadka Isbaarada dhigta gobalkaasi

Sheeko:Dalka

isbaarMaamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in meel gaba gaba ah marayo howlgal dhawaan ay bilaabeen, kaa oo ay kula dagaalamayaan Isbaarooyinka yaala gobalka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada dhigta Isbaarooyinka ayaa bilaabay qaabab cusub oo ay ku qaataan lacagaha, sida iyaga oo inta mootooyin iyo gaadiidka yaryar qaata ka daba taga baabuurta rakaabka ah ee wadad isticmaala ama xamuulka ah kadib lacag oga qaata meelo cidlo ah oo magaalooyinka u dhaxeeya, waxaa kale oo la sheegey in boosteejooyinka ay kasoo baxaan gaadiidka sida Bakaaraha oo kale ay kaga soo qaataan lacagta.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda ee maamulka gobalka Shabeelaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ay wadaan dadaaladii ugu dambeeyay ee gobalka looga sifeynayo Isbaarada.

Dhinaca kale wadooyinka qaar weli waxa uu sheegay in ay joogaan askar qaada Isbaarooyinka, kuwaa oo bilaabay in ay adeegsadaan xirfadi ka duwan sidii hore.

Ciidamada waxa uu sheegay in ay qaadanayaan Mootooyin, ka dibna ay ka daba tagayaan gaariga, ama sidoo kale ka hor tagayaan, ka dibna lacago baad ah ka qaadanayan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan isku fidiyay wadooyin badan oo ka mid ah gobalka Shabeelaha Hoose, taa oo looga hortago Isbaarooyinka yaala.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegey in ay ceeb weyn tahay in ciidamada xoogga dalka ay dariiqyada istaagaan oo ay dadkii dhacaan, wuxuu balan qaaday in arrintaasi lasoo afjari doono, markaasina ay warbaahinta ku wargalin doonaan

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News