U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Shabellaha Dhexe Oo Feejignaan Ka Muujinaya Fatahaad Uu Sameeyo Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Shabellaha dhexe ayaa feejignaan ugu jira sidii looga hortagi lahaa fatahaad uu sameeyo wabiga Shabelle oo Sanad walba fataha.

Guud ahaan deegaanada wabiga uu inta badan ka fatahayay ayaa waxaa laga sameeyay carro tuur, kahor inta aan la gaarin xilliga wabiga uu fataho.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda iyo amniga ee maamulka Shabellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan iyo xubno la socda ayaa kormeer ku sameeyay deegaanno ka mid ah gobalkaasi, gaar ahaan Kongo iyo Daanyeerey, halkaasi oo muddo badan wabiga uu ku fatahay.

Gudoomiye Mayre ayaa u sheegay Goobjoog News in meelaha ay tageen laga sameeyay Carro tuur, islamarkaana ka maamul ahaan ay ahmiyad gaar ah siinayaan taageeridda bulshada doonayso in ay wax qabsadaan, walibana ay ka hortagaan fatahaad uu sameeyo wabiga Shabelle.

Waa maamulkii ugu horeeyay ee iskaashi la sameeya dadka shacabka ah si looga hortago fatahaad uu sameeyo wabiga Shabelle.

Goobjoog News