U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Shabellaha Dhexe Oo Ka Warbixiyay Khasaarihii Ka Dhashay Fataahaddii Uu Sameeyay Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Shabellaha Dhexe ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay khasaarihii uu geystay Wabiga Shabelle ka dib markii uu ku fatahay deegaanno ka mid ah gobalkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulkaasi Axmed Meyre Makaraan oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in deegaanno badan uu ku fatahay Wabiga, islamarkaana biyuhu ay baabi’iyeen dalag badan oo la filayay in sanadkaan ay soo go’aan.

Waxa uu tilmaamay in ka maamul ahaan ay dadaal xoogan sameeyeen, islamarkaana ay u gurmadaan shacabka ku dhaqan deegaanada wabiga uu ku fatahay, islamarkaana ay ku guuleysteen in ay xiraan meelo horay wabiga uga soo jabsaday.

Meelaha qaar ayuu sheegay gudoomiye ku xigeenka in lagu guuleysan waayay in la xiro, maadaama ay biyaha si xoogan u jabsadeen.

Ugu dambeyn gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka maamulka gobalka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobalkaasi in ay kaalin kaqaataan sidii mar walba la’isaga kaashan lahaa caro-tuur loo sameeyo wabiga Shabelle.

Goobjoog News