U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Shabellaha Hoose Oo Guul Ka Sheegtay Dagaal Ay La Galeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobalka Shabellaha Hoose ayaa guul ka sheegtay dagaal ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaan ku dhaw deegaanka Ballidoogle ee gobalkaasi.

Afhayeenka maamulka Shabellaha Hoose Maxamed Shiino oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidamada dowladd iyo kuwa AMISOM oo ka baxay Bellidoogle jidka loo galay, halkaasi oo dagaal uu ka dhacay.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in dagaalkaasi uu ahaa mid daqiiqado badan socday, islamarkaana ciidamada ay iska caabiyeen ciidamadii Al-shabaab ee duulaanka kala kulmeyn, balse ma aanu sheegin tiro rasmi ah oo dhimasho ama dhaawac intaba ah.

“Nimankii Nabad diidka ahaa ayaa jidka u galay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ka baxay Bellidoogle, hadaba wixii ay la kulmi jireen bay arkeen oo kaliya, khasaare ayaan soo gaarsiinay, ciidamadana wey guuleysteen’ ayuu yiri Afahayeenka.

Al-shabaab dhankooda wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi, hase yeeshee inta badan sidaan oo kale ayaa dagaallo waxay uga dhacaan deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News