U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Sool Oo Ka Hadlay Taliyihii Xalay Lagu Dilay Gobalkaasi

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha gobalka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo ka hadlay dilkii xalay magaalada Laascaanood loogu geystay taliyihii sirdoonka gobalkaasi Cabdiqani Guhaad Xasan ayaa ugu horeyn waxa uu tacsi u diray qoyskii, qaraabadii, maamulkii iyo ehelkii uu ka baxay taliyaha waxa uuna yiri.

“Alle ha u naxariisto Cabdiqani Guhaad Xasan oo ahaa taliyaha nabad sugidda gobolka Sool oo caawa lagu dilay magaalada Laascaanood, Waxaan geeridiisa uga tacsiyadaynnayaa maamulka, Taliska sirdonka, qoyskiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa, bulshada gobolka Sool iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland waxaana leeyahay dhammaanteen samir iyo iimaan Allaah inaga siiyo”

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo dadkii ka dambeeyay dilka taliya isaga oo shacabka  Laascaanoodna ku booriyay in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka ee magaaladaasi.

“Laamaha nabad gelyada ee xilli kasta u taagan sugidda nabad gelyada, xilligana ku hawlan baadhitaannada iyo daba-galka falkan fulaynnimada ah ayaan shacabka Laascaanood ku boorinayaa inay garab istagaan oo ay la shaqeyaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha gobalka Sool.

Amaanka magaalada Laascaanood ayaa faraha ka sii baxaya xilli todobaadyo gudahood magaaladaasi lagu dilay laba masuul oo kii labaad uu xalay ku noqday taliyihii sirdoonka gobalka Sool ee maamulka Soomaaliland waxaa ka sii horeeyay oo magaladaasi lagu dilay guddoomiyihii maxkamadda gobalkaasi oo qarax gaarigiisa loogu xiray u geeriyooday.

Goobjoog News