U bood dhigaalka

Maamulka Goballada Dhexe “Ma Aqoonsanin Galmudug”

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobalada dhexe ee Ahlu-sunna Waljameeca fadhigooduna yahay degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud ayaa sheegay in aanay aqoonsaneen maamulka Galmudug Satate, islamarkaana aanay jirin cid ay wada hadal kula jiraan.

Cali Baashi Faarax oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulkaan ay sameysteen Ahlu-sunna ayaa isaga oo u waramayay Barnaamijka Maxaa Lagu Heshiiyay ee Goobjoog News ayaa sheegay in la yaab ay ku noqotay markii ay maqleen in wada hadal ay kula jireen Galmudug.

“Wax aan la yaabno ayeey ahayd markii aan maqalnay in wada hadal aan kula jirno Galmudug, xitaa fariin qoraal iskumaan dirin ee iyaga ayaa laga rabaa inay cadeeyaan  cidda la hadashay” ayuu yiri Cali Baashi.

Sidoo kale mas’uulkaan ayaan weydiinnay in ay jirto rajo ah in ay wada fariistaan iyaga iyo maamulka Galmudug.

“Ma aqoonsanin Galmudug, annagu waxaan nahay dowlad gobaleedka gobalada dhexe kaasi oo ka dhashay maamulladii ka jiray halkaan sida Ahlu-sunna Waljameeca ee 8 sano ka shaqeynayay gobaladaan, Galmudug , Ximan iyo Xeeb marka annaga ayaa joogna caasimaddii annaga ayaa ah maamulka saxda ah, midda kale maba yaalaan wax lagula hadlo cid aan meesha mas’uul ka ahayn” ayuu hadalkiisa raaciyay Cali Baashi.

Ahlu-sunna Waljameeca ayaa sheegaysa inay tahay maamul gobaleedka saxda ah ee ka jira gobalada dhexe.

Goobjoog News