U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Baay Oo Sheegay Iney Sameynayaan Howlgallo Waddo Furis Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Baay ee K/galbeed ayaa sheegay in ay ka fekerayaan sidii dhowaan ay ku sameyn lahaayeen howlgallo ballaaran oo lagu furayo waddooyinka magaaladaasi ee ay xireen Al-shabaab.

Guddoomiye ku  ixgeenka dhanka ammaanka ee gobolka Baay Yoonis Aadan Xasan oo la hadlay Goobjoog, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku bixi doonaan waddoo walbo oo Baay ka tirsan, islamarkaana u xiran Al-shabaab.

Tani ayuu sheegay iney ka dambeyso kadib go’aankii wadajirka ahaa ee dowladda Soomaaliya iyo K/galbeed ka qaateen in aysan sii xirnaan waddo walbo oo deegaannada K/galbeed ah.

“Waxaa inaga go’an in dadka go’doonka ku jira aan ka dulqaadno dhibaatada, aan u furno waddooyinka, waxaan hadda ka fekereynaa sidey howlgalladan ku bilaaban lahaayeen, inkastoo ay jiraan howlgallo badan oo ciidan ay sameeyeen, balse kuwan waa kuwii ugu dambeeyay ee lagu furi lahaa waddooyinka xiran” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Al-shabaab ayaa go’doomiyey degmooyin badan oo ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool, kadib markii ay xireen waddooyinkii gelayay degmooyinkaasi.

Goobjoog News