U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir: Cadaallada Ayaa La Marin Doonaa Cid Walbo Oo Dhib Ku Haysa Shacabka

Sheeko:Dalka

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay aad uga xun yihiin dhaca loo geysto shacabka ku dhaqan degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay inay ku raad joogaan dadka dhaca u geysta shacabka, balse waxa uu tilmaamay in dadkaasi gacanta dowladda kusoo geli karaan oo kaliya in shacabka ay lasoo xiriiraan laamaha amniga si dowladda Maxkamad usoo taagto kooxaha dhaca ka geysta magaalada.

“Dadka in la dhaco xaaraam waaye, wax loo dulqaadan karo ma ahan in dadka xoolahooda la qaato, maalin dhowey waxaan tagey nawaaxiga warshadda Baastada, dad masaakiin ah inta xoolahooda lasoo uruuriyey laga soo gurubsaday loo sameystay xafiis ayaa wax alle wixii lasoo dhaco halkaas baa lagu guraayey, waxayna dadka waxa dhacaya isticmaalayeen magaca hay’adda nabad sugidda, albaabka ayaa dadka loo garaacayaa waxaana loo sheegayaa in amnigii yihiin, markii laga furana taleefannada ayeey dadka kaga uruursanayaan gobolka Banaadirna arrintaasi aad buu uga xunyahay, sharciga ayaana la marsiin doonaa cid walbo oo falkaasi lagu soo qabto” ayuu yiri Afhayeenka.

Ugu Dambeyn Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmooyinka Muqdisho in xiriir toos ah ay la sameeyaan maamulka degmada ay ku sugan yihiin si amniga looga wada shaqeeyo.

Waxaa soo badanayey maalmahan dambe cabasho ballaaran oo ay jeedinayaan shacabka ku dhaqan degmada Hilwaa halkaasi oo ay ku bateen ragga dhaca u geysta dadka shacabka ah.

Goobjoog News