U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir: Dadka Muqdisho u Yimaada Ganacsiga Ma Qaadan Karaan Kaarka Aqoonsiga

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka digay in dadka magaalada Muqdisho u yimaada ganacsiga islamarkaana magaalo kale ka yimid aanay qaadan kaarka aqoonsiga ee dowladda hoose, taasi oo lagu sheegay inay noqon doonto dambi.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda iyo arrimaha bulshada ee maamulka Gobolka Banaadir Ismaaciil Macallin Cabdi Guure oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka magaalada aan deganeyn kaliya laga doonayo warqad caddeyn ah oo uu kasoo goosto degmada uu ku sugan yahay taasi oo lagula macaamilo doono.

Waxa uu tilmaamay guddoomiye ku xigeenka in haddii ciidanka ammaanka ay qabtaan shaqsi kaar qaatay, baaritaan ay sameeyeen kadibna ay ogaadaan in magaalada Muqdisho aanu deganeyn ay taasi tahay dambi.

Dhinaca kale dadka martida ku ah magaalada ayuu sheegay in dadka ay u yimaadaan laga doonayo in saldhigga iyo degmada uu ku sugan yahay ku wargeliyaan, islamarkaana u sheegaan mudada uu halkaasi joogayo iyo sidoo kale ulajeedka uu magaalada u yimid.

Guddoomiye Guure ayaa sheegay in dadka aan awoodin inay bixiyaan qarashka sameynta kaaarka aqoonsiga ayuu sheegay in il gaar ah lagu eeegi doono islamarkaana dowladda hoose laga rabo in shacabkeeda aan dhaqaalaha hayn u turto.

Dhawaan maamulka gobolka Banaadir ayaa waajib ka dhigay qaadashada kaarka aqoonsiga ee dowladda Hoose, waxaana lagu sheegay in kaarkan uu wax badan ka qaadan doono sugidda amniga dadka deggan magaalada.

Goobjoog News