U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ammar Kusoo Rogey Gaadiidka Xamuulka

Sheeko:Dalka

Wareegto kasoo baxday maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu mamnuucay in gaadiidka Booyadaha aysan magaalada Muqdisho isticmaali karin 7-da subaxnimo illaa iyo Sideedda fiidnimo.

Sidoo  kale wareegtadan ayaa lagu sheegay in gaadiidka xmauulka qaada aysan rari karin tan ka badan culeyska gaariga, maadaama rarka xad dhaafka ah uu dhibaato u geystay shacabka.

Waxaa lagu wargeliyey dhammaan darawallada gaadiidkan in ciddii jabisa ammarkaan lagu ganaaxi doono Toban Milyan oo Shilin Soomaali ah.

Wareegtadan oo uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi ayaa lagu sheegay in looga gol leeyahay xaqiijinta amniga iyo ka jawaabista cabashada shacabka ee ku aadan gaadiidka xamuulka ah.

Goobjoog News