U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Barakacayaal Ka Saaraya Dhismaha Kaniisad Hore Oo Ku Taalla Degmada X/weyne

Sheeko:Dalka

Qoysas barakacayaal ah oo deganaa dhismaha Kaniisad hore oo Talyaaniga ku lahaa degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu maanta si awood ah halkaasi uga saarayo.

Qaar kamid ah dadkan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ay gaarayaan 45 qoys, kuwaasi oo halkaasi ku noolaa tan iyo sanadka markii uu ahaa 1991-kii.

Mid kamid ah odoyaasha deggan xaruntaan ayaa u sheegay Goobjoog News, in ay la kulmeen dad ka socday Talyaaniga oo horey u maamulayey Kaniisadda, kuwaasi oo u sheegay iney iska sii deganaadaan inta dib ay isaga arkayaan.

“Talyaanigii lahaa haddii aan aragnay waxay dhaheen arrintiina dib ayaan ula noqoneynaa, aqbaar ayaan idin soo siineynaa, waan u sheegnay inaaan nahay dad masaakiin ah oo aan haysan meel ay aadaan, laakiinse intii jawaab naloo keenin ayaa cagaf naloo  keenay”

Dadkaan ayaa sheegaya in guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir uu ku wareglieyey dadkaan in xaruntaan lagu wareejinayo dadkii lahaa, iyagana loo baahan yahay in si shuruud la’aan ah uga baxaan, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Goobjoog News, xiriir ay la sameysay maamulka gobolka Banaadir, si arrintaan aan wax uga su’aalno ayaan suurtagelin.

Goobjoog News