U bood dhigaalka

Maamulka gobolka Banaadir oo beeniyay in Al-shabaab ay Muqdisho kula kulmeen odayaal

Sheeko:War
Cali seeko
Afhayeenka Gobolka Banaadir, Cali Seeko

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa meesha ka saaray ka warqabka wararka la xiriira in Degmada Huriwaa uu shalay ka dhacay kulan dhex maray xarakada Al-Shabaab iyo odayaasha degmada , kaas oo looga hadlay wax ka qabashada ammaanka.

Afhayeenka maamulka gobolkan Banaadir, Cali Seeko ayaa sheegay in Degmada Huriwaa uu ka jiro Maamul hoos taga Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhankoodana aysan ogayn in xarakada Al-Shabaab ay ku suganyihiin degmadaasi.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka in Al-Shabaab si teel teel ah ay ugu suganyihiin Magaalada Muqdisho sida uu Yiri Cali Seeko oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog FM.

Shalay ayay ahayd markii odayaal ku sugan degmada Huriwaa ay la soo xiriireen Goobjoog FM, odayaasha ayaa sheegay in ay la kulmeen xubno ka tirsan xarakada Al-shabaab, isla markaana ay kala hadleen sidii wax looga qaban lahaa cabasho ka soo food saartay dhanka amniga oo ay sheegeen inay wax ka qaban waayeen dowladda federaalka Soomaaliya.