U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Dib-u-dhis ku Sameeyey Xarunta Waaxda October Ee Deg/Waaberi.

Sheeko:Dalka

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ibrahim Cumar Mahad-Alle (Ibrahim-Dhere) ayaa xariga ayaa ka jaray xarunta Waaxda saddexaad ee October Degmada Waaberi oo dib-u-dhis lagu sameeyey.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dib u dhiska xarumaha waaxaha degmooyinka ay aasaas u yihiin qorshaha dariseynta, amniga iyo isku xirka bulshada Caasimadda.

“Xaruntan waxaan rabnaa in ay saldhig u noqoto wacyi gelinta bulshada degmada iyo adkeynta isku xirnaantooda, taas oo aasaas u ah in aan ku tallaabsanno horumar iyo amni buuxa.”

Mahad-Alle ayaa kula dardaarmay Maamulka heer Degmo iyo heer Waaxeed ee Waaberi in ay xoojiyaan isku xirnaanta bulshada iyo Maamulka, si loo xaqiijiyo amniga, bilicda iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa horey amar ugu bixiyey dhismaha xarunta Waaxda October oo ay dhisteen dad shacab ah, kuwaas oo laga burburiyey, si loogu adeego bulshada Caasimadda.

Munaasabadda xarig jarka Xarunta Waaxda Octoobar ee degmada Waaber waxaa Guddoomiyaha Gobolka ku weheliyey Kuxigeenkiisa Howlaha Guud Mudane Cali Sheekh Ibrahim Fiidow iyo masuuliyiinta degmada Waaberi.

Goobjoog News