U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Garab Istaagaya Ganacsatada Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay garab istaagi doonaan ganacsatada Soomaaaliyeed ee ku sugan gobolka, si loo helo ganacsi miro-dhala oo ka hanaqaada gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed iney Labo laabaan dedaalkooda, islamarkaana dalka ay ka sameeyeen horumaro badan.

Waxa uu sheegay in ganacsatadu tahay kuwa kaliya ee dalka isbedalka ku sameyn kara, horumarin kara nabadda iyo dhaqaalaha guud ee dalka.

Iimaan ayaa tilmaamey in haddii ay iskaashi sameeyeen ganacatada iyo rugta ganacsiga in ay meesha ka dhalaneyso awood ganacsi oo ballaaran, islamarkaana ganacsatadu ay horseed u noqon karto in dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku maqan ay dalkooda usoo shaqo doontaan.

“Addunka oo dhan Ganacsatada ayaa xukunto, magaaladan iyo waddankaan Kheyraadka uu leeyahay inuu ilaahay na tuso ayaan rajeyneynaa, ganacsatada waxaa laga rabaa in dadka dibadda jira oo markii la dhaho soo laabta naxaya iney farxaan oo wadankoodu arkaan iney shaqo taallo, oo waxaad kamid tihiin dadkii u suurtogelin lahaa in dalka yimaadaan” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir.

Wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii dhexe, ganacsatada Soomaaliyeed ayaa isku xilqaamey in dalka ay ka haqabtiraan baahiyaha kala duwan ee bulshadu qabto.

Goobjoog News