Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee maamulka gobolka Benaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa ugu baaqay Shacabka gobolka Benaadir iney is dejiyaan.
Guddoomiye Tuulah waxa uu xaqiijiyey in Guddoomiyaha gobolka Benadir ahna Duqa magaalada Muqdisho uu nool yahay islamarkaana uusoo gaaray dhaawac fudud hadana ay dhaqaatiirta dabiibiyaan.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in falkan Al-Shabaab geysteen uusan joojin doonin shaqada ay shacabka u hayaan islamarkaana Shacabka looga baahan yahay iney isku duubni muujiyaan.
Goobjoog News