U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Hadlay Shaqsiyaad Lacago Dheeraad Ah Ku Qaata Howsha Deriseynta

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay shaqsiyaad guryaha magaalada Muqdisho ka qaata lacag ka badan lacagaha loogu talo galay in lagu qabto howlaha deriseynta taasi oo dad badan cabasho ka muujiiyeen.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in lacagaha loogu talo-galay howlaha derseynta ay tahay 10 doolar, islamarkaana aanay ogeyn meel lagu qaado lacag ka badan intaasi.

Waxa uu sheegay haddii ay jirto in shacabka laga qaado lacago intaasi ka badan in lala xisaabtami doono maamullada degmooyinka.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in lacago aan laga qaadin dadka danta yar ee iyaguba u baahan in dabkooda loo shido iyo kuwa kale ee aan awoodin bixinta lacagtaasi.

“Lacag yar oo dadka laga qaado ayaa jirta guriga ayaana laga qaadaa, waa lacag cayiman oo 10 doolar ah, annaga ma ogin meel lacag ka badan 10 lagu qaado, haddii ay jirtana waan la xisaabtameenaa, dadka qaar ma awoodaan lacagtaan, dad masaakiin ah ayaa jira oo dabkooda shidan karin, waxaan dhahnay dadkaas hala dhaafo kuwa awoodana halaga qaado, haddii dadka lacag intaasi ka badan laga qaado hanoo soo sheegaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Qaar ka mid shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo lasoo xiriiray Goobjoog News ayaa cabasho ka muujiyey lacag dheeraad ah oo looga qaado arrimo la xiriira deriseynta taasi oo ka badan lacagta maamulka gobolka shaaciyey.

Goobjoog News