U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Dariseynta Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoominayey Shirka todobaadlaha ee Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir, kaasi oo todobaadkaan loogu hadlay dar-dar gelinta Barnaamijka Dariseynta Caasimadda, sare u qaadida Dakhliga Dowladda Hoose ee Xamar, Amniga iyo Bilic soo celinta Caasimadda.
Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud, ayaa ugu horeyn lagu amaanay isbadalka dhinaca Amniga ee ka jira Muqdisho, iyadoona la isla qaatay in dar-dargelinta Barnaamijka Dariseynta Caasimadda oo wax weyn ka taraya Amniga iyo ka war-qabka Bulshada.
Sidoo kale sare u qaadida dakhliga Dowladda Hoose ee Xamar si adeegyada aasaasiga ee bulshada wax loogu qabto. Iyadoo la dar-dar gelinaayo Barnaamijka (MARKALE IFI MAGAALADAADA) ee uu dhawaan daah-furay Duqa Magaalada iyo in sare loo qaado Howlaha Nadaafada iyo bilic soo celinta Caasimadda.
Ugu danbeynta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa faray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir in la xoojiyo wada-shaqeynta laamaha Amaanka,La-dagaalanka Maandooriyaha iyo in la gar-gaaro bulshada kuwooda nugul.
Goobjoog News