U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Warbixiyey Weerarkii Maanta Lagu Dhaawacay Xildhibaan Daheeye

Sheeko:Baarlamaanka

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sharaxaad ka bixiyey weerar maanta lagu dhaawacay xildhibaan Maxamed Cali Diheeye, iyadoo weerarkaasi ay ku dhinteen qaar ka mid ah ilaaladii xildhibaanka.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo warbaahinta kula hadlay halka falkaan uu ka dhacay ayaa xaqiijiyey inay dhinteen Darawalkii iyo mid ka mid ah ilaaladii xildhibaanka, halka Xildhibaanka iyo askari kale oo ilaalinayeyna dhaawacmeen.

Waxa uu sheegay in xildhibaanka xaaladdiisa ay tahay mid wanaagsan, islamarkaana dhaawaca uu ka gaaray dhanka gacanta, isaga oo tilmaamay Afhayeenka inay aad uga xunyihiin khasaarihii ka dhashay weerarkaasi.

Sidoo kale Afhayeenka Xalane ayaa ugu baaqay in hay’adaha ammaanka ay sii xoojiyaan howlagllada amniga lagu xaqiijinayo, islamarkaana laga hortago kooxaha caadeystay falalkaan oo kale waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu Tilmaamay Mr Xalane in ciidanka amniga ay ku raadjoogaan dadkii ka dambeeyay weerarkan lagu dhaawacay xildhibaan Daheeye, wuxuuna hoosta ka xariiqay in weli maamulka Gobolka Banaadir aanu si rasmi ah ula wareegi amniga Muqdisho, ayna la wareegi doonaan maalmaha soo aadan.

“Guddomiyaha gobolka maalmaha soo socda ayuu la wareegi doonaa ammaanka, qorshaha amni ee magaalada ku sugeyno dhawaan ayaa la arki doonaa, cadow xiran shaatiga aad qabto oo kale dhawaan waa la ciribtirayaa” ayuu yiri Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir.

Maalmahan waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayey falalka amni darro, maanta waxaa degmada Xamarweyne lagu dhaawacay xildhibaan Maxamed Cali Daheeye.

Goobjoog News