U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Mudo Dheer Ka Dib Ku Guulaystay Dib Usoo Celinta Naadiga Dowlada Hoose Ee Muqdisho

Sheeko:Cayaaraha

 Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib usoo celiyay kooxdii dolwadda Hoose xamar ama Muqdisho city oo mudo fag ka maqneyd saaxada ciyaaraha waxaana magacan qaatay naadiga Banaadir SC oo ah ka mid ah kooxaha ugu weyn kubbadda cagta dalka sanadihii lasoo dhaafay hanatay koobka weyn ee gudaha

Munaasabada dib usoo nooleynta kooxda dowlada Hoose waxaa kasoo qeyb galay Maamul Gobolka Banaadir,Xiriirka kubbadda cagta,Ciyaartooydii  hore dalka iyo kooxaha kubbadda cagta heerarka kala duwan

Ciyaartooydii lagu aas aasay kooxda dowlada hoose xamar kana soo qeyb galay munaasabada ayaa ka warbixiyay maraxladihii kala duwnaa ay soo martay waxayna si wadajir ugu uahad celiyeen dadkii ka shaqeeyay arinta tariikhiga u ah shacabka gobolka Banaadir

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in arinta ay ku timid wada shaqeyn wacan oo ka dhaxaysa Gobolka Banaadir,Xiriirka kubbadda cagta iyo wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada ka Maamul gobol ahaan ay ku da’dalidoonaan garab istaagida laaciibtiina ku dheelaya magaca caasimada

Xasan Aadan Yabarow wiish oo ah gudoomiyaha isboortiga Gobolka Banaadiir ayaa sheegay in maamulka kooxda Banaadir SC ay usoo dhabar adeegeyn helida magaca dowlada Hoose wuxuuna intaa ku daray in loogu fadhiyo howl adag maadam ay ku ciyaarayaan magaca caasimada Muqdisho

Gudoomiyihii hore kooxda Banaadir SC iminka ah hogaamiyaha naadiga dowlada Hoose ee xamar Abuukar Maxamed Sheekh ayaa sheegay in iminka ay u bilaawatay howl adag ayna u mahad celinayaan dadkii kasoo shaqeeyay howshan,iyaga ay diyaar u yihiin in ay si dhab ah u matalaan shacabka Gobiolka Banadir

Qaar ka mid ah ciyaartooydii hore kooxda Banaadir SC ee sanadihii lasoo dhaafay kula guulaystay koobka kubbadda cagta ayaa soo dhaweeyay is badalka magaca ay sameeyeen maamulkooda,iyagoo intaa ku daray in ay diyaar u yihiin in ay halkooda ka siiwadaan hanashada koobka iyo soo celintii sharafkii uu lahaan jiray magacii dowlada hoose

Kooxda dowlada hoose ee Muqdishio ayaa horay u qaaday 3-jeer oo horyaal ah,2-jeer oo koobka jeneraal daa’uud,halka intii u dhaxaysay 1986-187 ay magac ahaan ku matashay xulka qaranka da’yarta waxaana iminka maamulka ciyaartooy

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/366796627423990/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle