U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Sheegay In Isbedal Amni Uu Ka Jiro Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in isbedal amni xilligan laga dareemayo magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyay markii amniga gobolka lagu wareejiyey maamulkooda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in dadaal badan oo ay sameeyeen ku guuleysteen fashilinta qaraxyo ka dhici lahaa magaalada Muqdisho, qabashada hub badan, rag qaraxyo tuurayey iyo kuwa wax dilay intaba.

“Wax badan waan fashilinnay muddadii nalagu wareejiyey amniga, ugu yaraan Shan gaari oo qarax sidday ayaan gacanta ku dhignay, intaas oo hub ah ayaan qabannay, dad wax turayey ayaan qabanay, kuwo wax dilay ayaan dilnay oo aan qabannay, marka wax badan ayaan yareennay, hadda waxaan rajeyneynaa in howlaheenna sidooda noogu sii socdaan, gobolka Banaadir amnigiisa sidii hore wuu kasoo raynayaa, dadkuna wey qirayaan, Hal mar oo wax dhaco micnaheedu ma ahan in amniga Banaadir faraha ka baxo, addunka meel aysan qaraxyo ka dhicin malahan” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Sidoo kale Guddoomiye Yuusuf  ayaa sheegay in casharo badan ay ka barteen weerarada Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho.

“Taatiko kasto oo ay keenaan waxaan isku daynaa inaan keenno mid la mid ah si umadda u badbaadinno iyagana uga hortagno, casharo badan waan ka qaadannay, mar walbo oo wax dhaca cashar baa laga qaadanayaa, tusaale hay’adaha amniga waxay Hoteellada fareen inay Saddex difaac sameystaan, Naaso-hablood waxaa toogtay raggi wax weeraray ilaaladii hoteelka, marka sidii hore ma ahan hadda” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyaha.

Duqa Muqdisho waxaan weydiinnay wada shaqeynta kala dhaxeysa taliyeyaasha laamana amniga gobolka, wuxuuna sheegay inay aad u wanaagsan tahay.

“Aad ayeey u wanaagsan tahay wada shaqeynta, markii amniga nala hoos keenay ciidan cusub maanan qoran dadka horay u shaqeynayey ayaa ciidan inoo ah iyagaas ayeeyna wada shaqeyn nagala dhaxeysaa illaa haddane aad iyo aad ayeey u wanaagsan tahay wada shaqeynteenna”

Ugu dambeyn guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimacaale waxa uu ugu baaqay shacabka inay xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha amniga si looga hortago falalka amni xumida ah.

Goobjoog News