U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Sheegay In Si Gaar Ah U Eegi Doonaan Ardayda Araga La Ee Wax Ka Barta Iskuulllada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Baanaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo kulan la yeeshay ardayda aan lixaadkooda dhameyn ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay garab taagan yihiin dadka araga la ee wax ka barta iskuullada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in waajib ay tahay in mar walbo ay ka warqabaan ardaydaasi oo uu sheegay in la dhiiro-gelin doono.

“Waan ku faraxsannahay inaan wada qadeynno maamulka, macaallimiinta Iskuulka Al-nuur, waxay ku saabsanaa kulankeena inaan ila wadaagno dareenka ah inaan idin ka warqabno” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ustaad C/fitaax oo ah maaamulka dugsiga Al-nuur oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku ammaanay maamulka gobolka Baanaadir sida uu u dhiiro gelinayo ardayda araga la.

Magaalada Muqdisho waxaa ku yaaalla iskuullo loogu talo galay in wax lagu baro ardayda arag la, iyadoo sanadkaan iskuulka Al-nuur ay ka qalin jabiyeen arday badan oo araga la.

Goobjoog News