U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Soo Saaray Amaroo Lagu Xaqiijinayo Ammaanka Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amarro lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu dambeeyay faraha kasii baxayey.

Guddoomiyaha gobolka Yuusuf Xuseen Jimcaale oo habeenkii xalay ahaa saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in muhiim ay tahay in uu yimaado isbedal amniga ah sidaasi darteedna maamulka Gobolka uu soo saaray qodobo amniga lagu sugayo.

Ugu horeen waxa uu sheegay Guddomiyaha in magaalada Muqdisho aanu dhex mari karin gaari aan lahayn sumad ama Taariko cid walbo ha wadatee, waxaana uu tilmaamay in muddo Seddax maalin ah ay haystaan gaadiidkaasi wixii ka dambeeyana sharciga la waafajin doono.

Hay’adaha amniga ayuu ammar ku siiyey inay qabtaan gaari walbo oo aan taariko lahayn askarigii uu soo dhaafana lagula xisaabtami doono.

Cid walbo oo la siinayo Leesin, ama Taariko ayuu sheegay in kaliya la siin karo qof la ogyahay oo macluumaad badan laga hayo.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in dib loo soo celin doono Teesaraha dhalashada oo cid walbo la weydiin doono, ayna waajib tahay inay qaataan.

“Dadka waxay leeyihiin sumad lagu garan karo waxa uu yahay, adduunka waxa uu yaqaanaa wax la yiraahdo aqoonsiga dhalashada, waa in qofka leeyahay aqoonsi, la yaqaano meesha uu ku dhashay, taariikhda, dowladda hoose hadaan nahay waxaan rabnaa inaan dib usoo celinno teesarihii Minashiimbiyo, cid walbana waa la weydiin doonaa, Teesarahan ma dhici doono qofna dhalashadiisa ma dhacdo, qofka mar hadii uu sameysto ma dhacayo, waxaan kusoo darnay meelaha laga qaadan doono kuwaas oo kala ah degmada Shibis, Howlwadaag iyo degmada Wadajir” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Dhinaca kale Guddomiye Yuusuf  ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo mashruucii dalkaaga ku dhiso Hal Doolar, islamarkaana canshuurta guryaha laga qaado lagu dhisayo sidii uu horayba u ballan qaaday Guddoomiyahii hore ee gobolka Banaadir, haatanna ay hayaan lacag dhan 400 kun oo doolar.

“Mashruucii dalkaaga dhiso meel wanaagsan ayuu marayaa, annaga dadka ayaan abaabulnay waana ku caawineynaa, waxaana ku caawineynaa waxa ku yimaada mashriica dalkaaga ku dhiso hal Doolar, wadooyinka Muqdisho dadka ayaa dhisanaya, wadada wadnaha sidii horayba loogu dhawaaqay waxaa lagu dhisayaa lacagta canshuuraha ee guryaha laga soo qaado, sidii loo soo qaaday ayeey u taallaa, waxna kama istcimaalin annaga mana rabno inaan isticmaalno, hadane waxay maraysaa 400 kun oo doolar, shaqadii loogu talagalay ayaana lagu qaban doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ka jiray falal amniga ka dhan ah, iyadoo inta badan dilalalka ay fulinayeen rag hubeysan oo saaran gaadiid aan weli la aqoonsan.

Goobjoog News