U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Xariga Ka Jaray Xafiiska Naadiga Dowladda Hoose

Sheeko:Cayaaraha

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xariga ka jaray xafiiska naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club kaas oo ku yaala degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir.


Furitaanka xafiiskan waxaa ka qeyb galay guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada maamulka Gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeeti,guddoomiyaha xariirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab iyo mas’uuliyeen kala duwan oo ka kala socda Gobolka Banaadir,Xariirka Kubbadda Cagta iyo sidoo kale macallimiinta iyo taageerayaasha naadiga caasimada ee Muqdisho City Club.


Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada maamulka Gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeeti ayaa sheegtay in ka maamul ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin talaabada hortabinta leh ay qaadeen maamulka,tababarayaasha iyo taageerayaasha naadiga Dowladda Hoose tan iyo markii dib loo soo celiyay.


“Xafiiskan waxuu qabanayaa shaqooyinka caadiga ee naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club oo ah kooxda caasimada,Maamulka Gobolka Banaadir waxaa ka go’an xoojinta iyo fududeenta shaqooyinka horyaala Maamulka iyo macalliminta Muqdisho City Club” ayay Goobjoog u sheegtay Basmo Caamir Shakeeti oo ah Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Xariirka Kubbadda Cagta Dalka Cabadiqani Saciid Carab oo isna madasha ka hadlay ayaa bogaaday da’daalada wanaagsan ay wadaan madaxda kooxda  oo kaashanay maamulka Gobolka Banaadir


“Waxaa inoo muuqanaysa horomar kala gedisan oo ay sameeyeen madaxda naadiga Dowladda Hoose tan iyo markii dib loo soo celiyay sanadkii lasoo dhaafay,furitaanka xafiiska ee goobjoogka ka nahay wuxuu cadeenayaa in horay loo qaaday talaabooyinka waaweyn waxana lee nahay guulaystay maamulka Muqdisho City Club“ayaa saxaafada u sheegay guddoomiyaha X.K.Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid.


30 Sano ka dib naadiga Muqdisho City Club ayaa bishii August 2019 dalka Zanzibar kaga qeyb gashay tartanka kooxaha qaarada Africa ee Caf Confederation waxaana xidigaha Muqdisho City Club ay sameeyeen rajo wanaagsan,iyagoo mudo dheer ka dib muujiyay da’aal wanaagsan.


“Maamulka Kooxda wuxuu iminka ka shaqaynayaa in uu dib u soo cleiyo sharafkii iyo wada shaqeyntii naadigeena lahaa kooxaha caalama waxaana inoo muuqanaysaa horomar fog mustaqbalka soo socda” ayuu Goobjoog ugu waramay Cabdiqaadir Muxidiin Dacar oo ah guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee kooxda Muqdisho City Club ahna la taliyaha maamulka ciyaaraha Gobolka Banaadir.


Si kastaba 25 November 2018 ayay aheyd markii dib loo soo celiyay naadiga Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club waxaana dib u soo nooleenta kooxdan ku farxiyay halyayadii hore ee soo maray.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle