U bood dhigaalka

Maamulka gobolka Banaadir oo xariga ka jaray xarun waaxeed cusub

Sheeko:Dalka
Guddoomye oo muungaab oo ka hadlaya safarkiisa./Sawir qaade: Kowthar Cabdiraxmaan
Guddoomye oo muungaab oo ka hadlaya safarkiisa./Sawir qaade: Kowthar Cabdiraxmaan

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay in ay ku guulaysteen wax ka qabashada ammaanka gobolkan kadib hawl gallo ay fuliyeen ciidamada dowladda.

Warkan ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Xuseen Muungaab sheegay mar uu ka qayb galayay munaasabad xariga looga jarayay waax cusub oo laga hirgeliyay degmada Shibis ee Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii xoojin doonaan ammaanka magaalada Muqdisho

Sidoo kale mas’uuliyiinta gobolka ayaa waxa ay kormeer ku sameeyeen xarunta degmada iyo sida ay u shaqeyso, waxaana ujeedada kormeerka uu ahaa mid ay ugu kuur galayeen xaaladaha amni iyo tan horumarineed ee ka jira degmada Shibis.

Guddoomiyaha degmada Shibis Cabdifataax Nuur Cali ayaa mas’uuliyiinta maamulka gobolka uga war bixiyay xaaladda guud ee amni ee degmada iyo mashaariicda kala duwan ee halkaasi ka socda, isagoo maamulka gobolka uga mahad celiyay dib u dhiska xaruntaasi.