U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir oo Xarun Caafimaad Ka Hirgeliyey Degmada Kaxda

Sheeko:Caafimaadka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray xaruma cusub oo ay kamid yihiin xarunta Hooyada iyo dhalaanka MCH-ka degmada Kaxda iyo Goob waxbarasho loogu talagalay in carruurta ku nool degmada si bilaash ah wax loogu baro.

Qeybaha bulshada ee Degmada Kaxda ayaa maamulka Gobolka u gudbiyay baahida ka jirta degmada, ayna codsanayaan in wax laga qabto, iyagoo ka mahadceliyay mashaariicda horumarineed ee uu Maamulka Gobolka ka hirgeliyay degmada.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin sida maamulka Gobolka uu degmada uga hirgeliyay Mashaariicda horumarineed ee ay baahi weyn u qabeen bulshada degmada, kuwaasi oo kala ah xarumo caafimaad iyo waxbarasho oo bulshada loogu adeegayo.

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Cumar Cali Cabdi ayaa bulshada iyo maamulka degmada ugu baaqay inay ka shaqeeyan dib u dhiska deegaannada Maamulka, isagoo intaa ku daray in Maamulka Gobolka Banaadir uu gacan ku siin doono howlahooda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka ay ka goโ€™antahay wax ka qabashada baahiyaha degmada ka jirta iyo degmooyinka kale ee caasimadda ku yaala.

Goobjoog News