U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Xilka Ka Qaadi Doona Guddoomiyihii Degmadiisa Isbaaro Lagu Dhigto

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in degmadii lagu arko isbaaro uu guddoomiyaha degmadaasi xilkiisa ku weyn doono.

Hadalkani ayaa yimid kadib kulan ay maanta Muqdisho ku qaateen guddoomiyeyaasha gobolkani Banaadir oo uu shir guddoominayay duqa magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Jimcaale wuxuu sheegay in shacabka Muqdisho laga doonayo inay qaataan Kaarka aqoonsiga si howsha maamulka ay u fududaato.

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulka gobolka uusan ogalaan doonin in ammaanka la waxyeelleeyo.

“Ammaanka waxa uu ka mid yahay qodobadii maanta laga wada hadlay, degmo walba waxaa masuul ka ah guddoomiyaha ku magacaaban isbaaro waa lala dagaallamayaa” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifataax Xalane.

Meelo ka mid ah magaaladan Muqdisho waxaa waayadii dambe dadka deggan ay kala kulmayeen dhibaatooyin xagga amniga ah walow hay’adaha amniga ay sheegeen inay dadaal wadaan.

Goobjoog News