U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Bari oo Go’aano Kasoo Saaray Dhalinyaro Hubeysan oo Boosaaso Ku Sugan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

GallanKulan maanta lagu qabtay magaalada Boosaaso ayaa waxaa looga hadlay is rasaaseyn maalmahani dhexmaraysan dhalinyayo kooxo samaystey kuwaasi oo xaafad xaafad isugu duula.

Kulanka waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan, Duqa Magaalada Boosaaso Xassan Cabdalla iyo Taliyaha Booliiska Boosaaso Cabdikarin Yuusuf Xuseen.

Taliyaha oo hadlay ayaa sheegey in ay been abuur tahay in amniga Boosaaso uusan wanaagsanayn, balse kaliya ay jiraan dhalinyaro ciyaal iskuul ah oo bilaabay dhaqamo xun xun oo aanan horey looga baran.

Duqa magaalada ayaa isna wax lala yaabo ku tilmaamay in waalidiintii dhalay dhalinyarada aysan ka warheynin waxa ay sameynayaan ubadkooda.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad ayaa warbaahinta u akhriyey 3 qodob oo kasoo baxay shirkii dhacay.

  1. In cid kasta oo lagu helo hawlaha is rasaaseynta oo ka tirsan kooxaha dhalinyarada sharciga la horgeyn doono
  2. In waalidkii dhalay ama dadka mas’uulka ka ah dhalinyarada haddii ay qabsan waayaan ama qaadan waayaan doorkooda wanaagsan in iyaguna sharciga la horgeyn doono
  3. In qofkii la ogaado in uu ku lug leeyahay abaabulka dhalinyaradani uu isna ku dambi noqon doono dhalinyarada

Mas’uuliyiinta kulmey ayaa waxa ay rumeysanyihiin in dad dano kale leh ay ka dambeeyaan dhalinyarada, islamarkaasina abaabulayaan.

Dhageyso

Goobjoog News