U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Gedo Oo Sheegay In Dhowaan Ay Qaadi Doonaan Dagaallo Ka Dhan Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Gedo ee Jubbaland ayaa sheegay in si awood ah ay kula wareegi doonaan dhammaan deegaannada ka maqan gacanta maamulkaasi, islamarkaana ay ku sugan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasadda gobolka Gedo ee Jubbaland Xuseen Isxaaq oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dhawaan ciidankooda ay billaabi doonaan howlgallo ay kula wareegayaan deegaanno ka tirsan gobolkaasi oo hadda Al-shabaab ay maamulaan.

Waxa uu tilmaamay guddoomiye ku xigeenka in hadda la gaaray waqtigii ciidamada Jubbaland ku dhaqaaqi lahaayeen deegaannada Gobolka Gedo  oo aanay maamulkooda joogin.

Guddoomiye ku xigeenka wuxuu tilmaamay in hadda lasoo gabagabeeyay qorsheyaashii dib u habeynta loogu sameynayey maamullada degmooyinka Gedo iyo dib u habeynta ciidamada, islamarkaana hadda qorshaha xiga yahay kii lagu weerari lahaa Al-shabaab.

“Waxaan soo gebogebaynay dib u habeyntii maamullada degmooyinka iyo gobolka Gedo iyo hoggaanka ciidamada, waxaa la go’aamiyey in la sameeyo howlgallo ka dhan ah cadowga, islamarkaana la qabto dhammaan gacanta ku haynta deegaannada gacanteena ka maqan”

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa muddooyinkaaba ku sugnaa gobolka Gedo si isbedal ballaaran loogu sameeyo maamullada degmooyinka gobolkaasi.

Goobjoog News