U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraaan Oo Sheegay In Si Siman Loo Qeybiyey Raashiin Gargaar Ah Oo Dowladda Itoobiya Geysay B/weyne

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay Boqolaal dadweyne ah ka Faa’iideysteen Deeqo gargaar ah oo kala duwan oo Dowladda Itoobiya ay ugu deeqday shacabka Gobolkaasi.

Isaga oo ka hadlayay Arimaha Gurmadka ay dadka u sameeyeen ayaa Maxamed Axmed Nuur Ciise oo ah Gudgomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Mamulka Degmada Baladweyne waxa uu sheegay inay deeqdan ku socoto dadka danta yar ee Magaaladaasi ku nool.

Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka inay jiraan dad Naafo ah oo ku Nool Gobolka Hiiraan kuwaasi oo si gaar ah loogu qoondeeyay qeybta ay ku yeelanayaan deeqdan gargaarka ah ee ka soo gaartay Gobolka Hiiraan Dowladda Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan magaalada Baladweyne waxay gaarsiisay raashiin ay sheegtay inuu yahay gargaar ay ugu talo galeen dadka danta yar.

Goobjoog News