U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan Ayaa  Sheegay Inuu Ka Qeyb Qaatay Dhib u Dhiska Suuqyada Magaalda Baleweyne.

Sheeko:War

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Hiiraan mudane Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay in maamulkooda uu si wanaagsan uu uga qeyb qaatay dib u hawlgalinta qaar ka mida suuqyada magaalda Baledweyne ee xarunta gobolka Hirraan waxa uuna yiri

“Ganacsiga magaalada Baledweyne aad ayuu u fiicanyahay,taasina waxay ku timid maamulkii iyo bulshadii iyo ganacsatadii oo wada shaqeynaayo, waxaan dhisnay suuqa xaawo taako”.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhisidda Suuqyada uu maamulka u istaagay una raadiyay mashruucyo lagu dhiso suuqyada ku yaallo magaalada Baladweyne ee xarunta u ah maamulkaasi,waxayna dadka suuqyada la dhisay hadda ku ganacsada ay horay ugu ganacsan jireen dhulka iyo hareeraha wadooyinka.

Suuqyada uu dhisay maamulka ayaa waxaa lagu iibiyaa Khudaarta nuucyadeeda kala duwan iyo hilibka taasi oo keenaysa in nadaafadda Suuqyada ay kor u kacdo maadaama horay hilibka iyo khudaarta lagu iibin jiray goobo aan munaasib ku ahayn.

Inta badan gobolka Hiiraan ayaa waxa uu hodon ku yahay wax soo saarka dhalagga beeraha, ganacsiga gobolka ayaa waxaa u dub dhexaad u ah xoolaha nool iyo dalagga beeraha.

Goobjoog News